Wednesday, June 19th, 2013

Wariye Saciid Baaffo oo la kulmay Jilayaal Hindi Caan ah + Sawiro

(Kuala Lumpur Malaysia) Atoorayaasha caanka ah ee filimadooda laga daba dhacay bollywood-ka islamarkaana soomaalida sida aadka u u daawadaan eek ala Sunil shetty oo soomaalida u taqaano Balwaan, Govinda iyo gulshan grover oo ay somalidu u taqaano Indha xaraar ayaan waxaan kula kulmey garoonka diyaaradaha Bangkook ee caasimada Thailand.


Atoorayaasha ayaa xiligaasi jilaayey flim cusub oo dhawaan soo bixi doono balse sheeko xiiso badan ayaa na dhex martey waxeyna u dhacdey sida tan waxaan marka hore ka codsadey inaan sawir ka qaadan karo ayagoo ii ogaaladey ayaan misane waxaan u raaciyey inaan sawir la geli karo markaan sawirka galney ayey waxey I weydiiyeen halka aan ka imid waxaan ku iri Somalia durabadiiba wey garteen waxey ii raaciyeen kawaran filimadeena side loogu daawadiina dalkiina? Waxaan ku iri “soomaaliya si aad ah ayaa loogu daawadaa weliba waxaan u turjuney afkeena”

balwaan ayaa inta uu afka qabsadey wuxuu igu yiri “ ma qof afka hindiga ku hadli karo ama fahmi karo ayaa jooga wadankiina? Waxaan ku iri “HAA” ayagoo yaaban ayaan hadana waxaan u raaciyey Sunil ma taqanaan adiga iyo gulshan grover magacayada ay soomaalida idin taqaano? Wuxuu igu yiri waaba cajiib hadaad magac noo baxsateen bal ii sheeg? Markaasaan ku dhahay Sunil  Shetty adiga waxaa laguu yaqaanaa Balwaan  Gulshan grover adna waxaa laguu yaqaanaa indha xaraar intey qosol la dhaceen ayaa waxey ii soo qateen buug note si aan ugu qoro magacyada.
Dhamaan atoorayasha ayaa si aad ugu farxey iney filimadooda la socdaan soomaalida ayagoo aan markii hore tirade ugu jirin in Somalia lagu daawado filimadooda waxaa kaloo intaasi aan u raaciyey ayagoo la turjumey iney ka heli karaan Youtube-ka islama markaana ay ka daawan karaan.


Isku soo wada duuboo atooarayaasha ayaa ahaa kuwa si aad ah u fur furan ayagoo dabeecada xanaaqa marka ay filimka jiliyaan aysan qabin marka aad la sheekeysaneyso waxaa kaloo si dhab ah ay noo tuseen qaabka ay filimka u sameeyaan inta aan goobta joogney.

Saciid Omar baaffo
Kuala-lumpur Malaysia

Saciid@hotmail.co.uk

One Response to Wariye Saciid Baaffo oo la kulmay Jilayaal Hindi Caan ah + Sawiro

  1. Anisa says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>