Thursday, April 17th, 2014

Nin labo sano si Joogto ah u qoslayay + daawo Video

Huug Bosse waxa uu u dhashay dalka Holand waa Nin aad u qosol badan waana nin Jecel inta badan in uu qoslo oo afkiisa kala furo.

Ninkan la yiraahdo Huug Bosse ayaa la sheegay ilaa labadi sano ee la soo dhafay in uu sii joogto ah u qoslayay marna aan la arag isaga oon Qosleeynin.

Xaaskiisa uu Qabo Huug Bosse oo u warameysay barnaamij ka baxa Tv laga leeyahay isla dalkaas Holand ayaa u sheegtay in ninkeeda uu yahay mid maalinti dhan saan u qoslo markastana jecel in uu Qoslo.

”waligiis wuxuu ahaa nin maad iyo Qosol badan ah laakiin labadi sano ee la soo dhafay xaalka wuxuu ahaa mid qosol ah oon kala joogsi laheyn ” ayey tiri Xaaskan Ninkan oo Wraeysi bixisay.

Waxay ay intaa ku dartay haweeneydan sababta Qosolkan badan keentay keentay in ay tahay ka dib markii qaliin looga sameeyay sinta ama misiga lagu duray suuxiso ayna sabata ugu wayn ee isbadalka keentay

sida ee sheegtay gabar uu dhalay Huug Bosse iyo walaalkiis ayaa u imaanin Ninkaan qosolkiisa xad dhaafka ah oowgeed .

Huug Bosse ayaaa mar kaliya ooyo oo ah marki uu maqlo calanka dalkiisa hooyo uu aad u jecel yahay ,waxaana la sheegay in markaas oo kaliya la arko Ninkan oo Ilmeenaya Calan Jaceyl dartiis.

”aniga waxaa laga yabaa in aan ahay qofka uga mac uguna fiican aduunka” sidaa waxa yiri Huug Boss.

Qosolka Farah badan ee Ninkaan ayaana dad badan aad ula yabaeen iyadoona dadka qaarkii ku tilmaameen Nin farxaan ah Halka dadka qaarkiina ee ku sheegeen in Wax ka qaldanyihiin.

Mustaf Cabdi Faarax (Mustaf Carab)

Mustafcarab22@hotmail.com

Swden Goterburg.

Xigasho Dayniile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>