Thursday, April 24th, 2014

Ninyahoow Sadaxdaan Qodob Hadii Lagaa Helo Ogoow Jaceylka Kan Ugu Danbeeyay Ee Lamaanahaada Gacanta Ayaad Ku Dhigtay.

Sadaxdaan Qodob Dumarka Aad Ayey Ugu Helaan Ninkii Usameeyana Guntooda Buu Gaaray.

Runtii horta waa wax aad u dhib badan in dumarkeena la qanciyaa balse waxaa qancin karo keliya ninka waayo araga ah, xiliyadaan danbe waxaa soo badanay khilaafaad joogto ah oo u dhaxeeyo qoysaska soomaaliyeed khilaafaadkaas oo aad moodo inuu ka dhamaan la’yahay qoysaska da’da weyn iyo qoysaska isku cusub ba,

Mudo gaaban ka hor waxaa inala soo xiriirtay hooyo soomaaliyeed taasoo nagu dhiiro gelisay inaan ka hadalno dhibaatooyinka qoysaska waa weyn , hooyadaas oo ka dhawaajisay nimanka soomaaliyeed markeey 40 sano gaaraan ineey nacaan xaaskoodii koowaad kadibna aay isku dayaan ineey gabar yar raadsadaan taasoo hooyadii qoyska durbo furiin ku muteeysaneyso kadibna wax yeeleyn aad u weyn soo gaareyso qoyskaasi, hooyadu waxey tiri lamaanaha isku cusub isku dhacooda wuxuu saameeyaa labadaas ruux balse lamaanaha isku gaaray illaa 40 sano isku dhacooda wuxuu saameeeyaa qoys aad u balaadhan oo caruurta ugu daranyihiin waana wax dhab ah, waana ka hadli doonaa arimahaasi haduu ALLE idmo.

Macduuceena maantay waxaanu kusoo qaadaneyna sadax qodob oo aanu u aragno iney muhiim yihiin ninkii xaaskiisana sadaxdaan qodob aay ka hesho gunta jaceylka gaaray, runtii sadaxdaan qodob dhankaaga waxey ka noqon karaan kuwo fudud balse waxeey raas culus ku reebaan lamaanaha kula wadaageyso nolosha.

Qodobka koowaad hadaan ka dhawaajiyo waa naxariis markii aan dhaho naxariis waxaa hoos imaanayo qodobo faro badan sida qofka aad u naxariisato waa qof aad kataxadarto, qof aad jeceshahay, qof dhibkiisa ku dhibo, I.W.M dumarka waxey aad u jeceylyihiin ninka naxariista u muujiyo.

Qodobka labaad asagana markiisa aan ka dhawaajiyee waa in dumarka hogaanka aay xaqa u leeyihiin lasiiyaa sidoo kale markii aan dhaho waa in hogaankooda lasiiyaa waa sida adoo baari u noqdo, adigoo dhageysto sheekadeeda, runtii waxaa xaqiiqo ah dumarka ineey jaceylyihiin ninka u jilcan ee u dabacsan xili waliba waayo ad adeega badan waxaa xaqiiq ah in lamaanaha lagu waayo.

Waa qodobkeenii u danbeeyay oo ah shumiska kadiska ah waxaa xaqiiq ah xaaskaada ayadoo shumis kaa filaneyso iyo ayadoo shumis kaa filaneyn oo si kedis ah ugu xadid iney farqi weyn u dhaxeyso, dumarka waxey jaceylyihiin inta badan waxyaabaha kadiska ah sidaa awgeed hadiyadaha, shumiska, i.w.m ahba kadis uga dhig.

Waxaa jiro qodobo kale oo aad u faro badan balse intooda badan waxey hoos imaanayaan sadaxda qodob ee aan kor kusoo xusnay hadaba markii lagaa helo sadaxdaan qodob waxaa sahal noqonayo in qodobada kale daaqada ka baxayaan halkaasna aad ku hanan doonto jaceyl wato naxariis aan dhamaan.

Www.Kobciye.com

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”

Lovewithpromise143@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>