Sunday, April 20th, 2014

Hooyadu Waa Lama Huraan + dhageyso Carees Ciise Kaarshe

Halkaan Waxaan Kusoo Qaadaneynaa Tixdii Careys Ciise Oo Uu Kuqiimeyay Hooyo Qof Weliboow Xusuusnoow Hooyo Qiimaheeda Lama Heli Karo Intii Aay Nala Soo Martayna Qofkii Hooyonimo Arkaaa dareemi karo Yaan Hadalka Kudheeraaanee  Kabogo Hooyo Waa Lama Huraaan.

Mudaan uurka hurrudnoo
8. Culays bey hayn jidhoo
9. Talaabtey la hakatoo
10. Xanuun bey la hingateye
11. Hooyadu waa lama huraan

12. Ha’dii kale waxaan lahaa
13. Habeen goor uu bartamay
14. Caanihii bey nagu habtoo
15. Horaadkey noo dhigtoo
16. Dharkii bey na huwiseye
17. Hooyadu waa lama huraan

18. Calooshaadoon hif oran
19. Adiga oon ka haqab’bin
20. Hunguri ma haweeysatee
21. Hooyadu waa lama huraan

22. Habaaq goor aad tahayo
23. Talaabta aan la holi karin
24. Adoo ciidii hambaday
25. Dhaqsaba waa ku hinjisaye
26. Hooyadu waa lama huraan

27. Afkaa aan ku hadalniyo
28. Hannaankeeniyo hub qaad
29. Hagaag bey noo barteye
30. Hooyadu waa lama huraan

31. Innaga oon haybad qabin
32. Hal beesa aan suubsan karin
33. Habaaskeey naga huftoo
34. Waa tii noo hiilisaye
35. Hooyadu waa lama huraan

36. Sidaanaan halis u gelin
37. Hunguriga ay suubisaa
38. Dhaqsaba hoo nama dhehdee
39. Intii ey ka hubsataa
40. Iyada yaa ku hormartee
41. Hooyadu waa lama huraan

42. Reerku haduu yahay hayaan
43. Hayinka aan saaran nahay
44. Hogaankeey haysatoo
45. Hoosbey kaala hadashoo
46. Intii aad ka hurudaa
47. Waa kuu heestaa hadane
48. Hooyadu waa lama huraan

49. Cilmiga shiikh ku hormariyo
50. Nin haamaan ah iyo hanad
51. Iyadaa soo hayn jidhee
52. Hooyadu waa lama huraan

53. Haddii loo baahdo hiil
54. Geesiga loo habar wacdiyo
55. Fuleyga aan haadka hubin
56. Iyadaa soo hayn jidhee
57. Hooyadu waa lama huraan

58. Deeqsi aad soo haybsatoo
59. Hamuuntii kaa ba’shiyo
60. Bakhaylka aan kula hadleyn
61. Iyadaa soo hayn jidhaye
62. Hooyadu waa lama huraan

63. Aabuhu waa hawsha guud
64. Ayuna hoosbey hayaan
65. Habantii guriga iyo
66. Hoygii bee noo huftaye
67. Hooyadu waa lama huraan

68. Geed yare kaa hooshay meel
69. Hadii aad haah dhehdaa
70. Hubkii bey ka handadoo
71. Iyada oon hagar lahayn
72. Haaw waa tii soo dhehdee
73. Hooyadu waa lama huraan

74. Odagu waa haajiraa
75. Hawuu meel ugu kacaa
76. Haduusan mawtku helin
77. Hortaadey taagan tehee
78. Hooyadu waa lama huraan

79. Habeenkaad soo dhaxdaa
80. Hurdada aad uma heshoo
81. Qalbiga waa ka hamidoo
82. Hiloow bey kuu qabtaye
83. Hooyadu waa lama huraan

84. Horey adigoo aan ahayn
85. Dadkuu bey u hanjabtoo
86. Halyeey beey kaa dhigtoo
87. Amaan bey ku huwisaye
88. Hooyadu waa lama huraan

89. Abaarta hawaarsatiyo
90. Harraad meel loogu go’ay
91. Heeyhaata uu dhaanku yahay
92. Cirkuna haawanahayaa
93. Halihi ey soo heshaa
94. Hadeey hoo inna dhehdaa
95. Innaga oon soo hambeyn
96. Waatii aan heensanoo
97. Hamuunteedii horiyo
98. Dhib bey la hagoogateye
99. Hooyadu waa lama huraan

100. Sidii awr haama wada
101. Dusheedaan halabsanoo
102. 1Hah goortaa nama dhehdee
103. Waa noo sii hoorsateye
104. Hooyadu waa lama huraan

105. Marada ay nagu hantiday
106. Haddaan hoos uga dhacnaa
107. Wadnihi bey ka hinqatoo
108. Calooshey ka halcateye
109. Hooyadu waa lama huraan

110. Alaabta horteeda taal
111. Haddaad laad ku hurguftaa
112. Habaar weyn kuma dhahdee
113. Inyar bey ka hifataye
114. Hooyadu waa lama huraan

115. Hilowlaha eey dhashaa
116. Haddii meel laga hayaa
117. Asuu haaraa habeen
118. Waa tii hoogeysatoo
119. Ilmadu ey hibitiqdee
120. Hooyadu waa lama huraan

121. Haddaan been lagu hadleyn
122. Wadnaha harkiisa iyo
123. Halbowlaha dhiiga wada
124. Hareer baa laga dhigoo
125. Halkeey joogaan iyagu
126. Yaa loosoo wada hoydey e
127. Hooyadu waa lama huraan

128. Hantida aad leedihiyo
129. Wixii aad haabataa
130. Haddii loo siiyo hibo
131. Abaalkood lama helee
132. Hooyadu waa lama huraan

133. Haddaadu hadey gashaa
134. Hog goortii lagu dhigoo
135. Wadaaduhu kula hadlaan
136. Aabaha looma halwecee
137. Waxaad tahay inna heblee
138. Hooyadu waa lama huraan

139. Adduunyadu waa haween
140. Halkaa laskuma hayee
141. Nindoonaba ha hadlee
142. Hooyadu waa lama huraan

143. Hirar gaagaaban iyo
144. Hawada yaan ka hadlayaa
145. Waxba anigoon hambeyn
146. Hubaashiina aan hayaa
147. Hooyadu waa lama huraan

 

148. Hanfada ruuxii noqdaa
149. Hawraar kaama hantiyee
150. Waxba anigoon hambeyn
151. Hubaashiina aan hayaa
152. Hooyadu waa lama huraan

Halkaan ka dhageyso Hooyadu waa lama huraan.

Nagula soo Xiriir Jaceylka143@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>